Sign in to follow this  
Deeq A.

Sayid Cali oo lagu xukumay dil toogasho ah ka dib markii lagu helay in uu Xaaskiisa Nolosha ku gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd soo gaba-gabeysay kiiska ka dhanka ah Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo uur lahayd, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

Kiiskan oo aad loo sugayay ayaa maxkamadda hore waxay uga soo yeelatay laba fadhi oo dood adag ah, waxaana la horgeeyay marqaatiyeyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda.

Waxaa kale oo ay hore maxkamaddu u  dhageysatay, islamarkaana su’aallo ay waydiisay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku dooday inuu maseyrsanaa xilliga uu gaysanayay falkaasi.

”Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tidhi nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo iibsaday, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin in aan badbaadiyo ayaan isku dayay,” ayuu Sayid Cali ka hor sheegay maxkamadda.

Ninkan ayaa ugu dambeyn lagu xukumay dil toogasho ah, “Maxkamadda gobolka Banaadir waxay Sayid Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed,” ayuu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto talaagad, waxaana lala sugayay cadaaladda iyo xukanka ay ridday maanta maxkamadda gobolka Banaadir

Si kastaba, Kiiskan ayaa ahaa mid aad indhaha loogu hayay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la fahamsan yahay in xukunka maxkamadda ay soo dadajisay sida ay dhacdadaan uga fal-celiyeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay aheyd mid ugub ah oo fajiciso ku noqotay reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this