Maaddeey Posted April 22, 2010 Kulanka Baarlamaanka KMG oo dib loodhigay. By Somalimirror on 22 Apr, 2010 9:37 AM in Main, Wararka Kulan lagu waday inay Maanta Xarunta Golaha Shacabka ku yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka KMG ayaa baaqday, waxaana sabab looga dhigay Miino baaris lagu sameynayo Xarunta iyo qalab wali ka dhiman, halka wararka qaarna ay sheegayaan in kulanka loo baajiyey sababa laxiriira Khilaafka u dhexeeya Baarlamaanka. Xasan Keynaan oo kamida Xubnaha Baarlamaanka oo u waramayey Idaacada Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulanka lagu balansanaa Maanta oo Khamiisa loo baajiyey Miino baaris lagu sameynayo Xarunta Cusub ee lagu qabanayo kulamada baarlamaan oo aan kulmin mudo dhowr Bilooda. Dhanka kale Xubno Baalamaanka kamida ayaa Shaaciyey in kulanku uu u baaqday Sababa laxiriira Khilaafka Xoogan ee Maalmahaan soo kala dhexgalay Xubnaha Baarlamaanka KMG, waxayna sheegeen Xubnahaas in xalinta Khilaafaadka kadib lafuridoono kulamada Baarlamaanka. Khilaafka u dhexeeya Baarlamaanka ayaa Xiliyadii dambe sii kordhayey waxaana is Casilay dhawaan Gudoomiye ku Xigeynkii labaan ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Hadalheynta kulanka Baarlamaanka ayaa saameyn ku yeelatay Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha Waxbarashada Muqdisho waxaana saaka haawanayey oo aan lafurin Suuqa weyn ee Bakaraha iyadoo sidoo kalana la fasaxay qaar kamida goobaha waxbarashada cabsi laga qabo Duqeymo iyo Dagaalo ka bilowda Kulanka Baarlamaanka. Sheekh Aadan Madoobe oo Shalay Saxaafada kula hadlayey Xarunta loo dayactiray Baarlamaanka ayaa sheegay inaan mardambe dib loo dhigi doonin Kulamada Baarlamaanka wuxuuna intaa ku daray inay kaliya goobtaas ka dhimanyihiin Matoor iyo Codbaahiyeyaal. Lama sheegin goorta dib loo furidoono kulanka Maanta baaqday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted April 22, 2010 this is starting to look like a somaliland election... Quote Share this post Link to post Share on other sites