Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Uganda Uga Qeybgalaya Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaaladda Kampala waxaa uu uga qeybgalayaa shirka guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee dalalka qaaradda Afrika oo sannadkaan lagu lafa gurayo nidaamka xallinta khilaafaadka.

Billowga shirka ayaa laysku weydaarsaday doodo badan oo ka qeyb galayaashu waxaa ay kasoo jeediyeen hannaanka loo maro xallinta khilaafaadka kahor maxkamadaynta, waxaana muddaada uu socdo shirka guddoomiyaha uu la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale duwan.

Shirkaan oo ay marti-galineyso dowladda Uganda ayaa shalaay ka furmay magaaladdaasi waxaana jiray doodo badan oo ka qeybgalayaasha ay ka jeediyeen hanaanka loo maro xallinta khilaafaadka kahor maxkamadaha inta aan lala gaarin oo si hoose loo dhaqayo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this