Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya Oo La Kulmay Agaasimaha Sirdoonka UK Ee MI6

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo booqasho ku jooga dalka UK, ayaa la kulmay Agaasimaha Sirdoonka UK ee MI6 Richard Moore.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada hay’adood, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka Argagixisada iyo sidii ay u wadaagi lahaayeen khibradaha shaqo ee dhanka Sirdoonka.

Agaasimaha NISA ayaa hore safaro shaqo ugu tagay dalal dhowr ah, si uu u xoojiyo xidhiidhka dibadda ee hey’adda la leedahay dalalka Caalamka, waxaana dalalkii uu tagay ka mid ahaa dalka Mareykanka, halkaasoo uu kula kulmay Agaasimaha CIA William J. Burns oo isna markiisa booqasho ku yimid Soomaaliya bishii January ee sanadkan 2024.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this