Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadalladii Qahira ee xabbad-joojinta Gaza oo mar kale fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadahadallo saddex maalmood uga socday magaalada Qahira, saraakiisha sare ee Xamaas iyo wakiillo ka kala socday dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masar ayaa salaasadii shalay kusoo dhammaaday guuldarro.

Wadahadallada oo hadafkoodu ahaa in madaxda Xamaas lagu qanciyo heshiis xabad-joojin lix toddobaad ah oo laga dhaqangeliyo Gaza, ayaa dhicisoobay xilli ay bisha barakeysan ee Ramadan ay ka hadhsan tahay maalmo ka yar todobaad.

Mareykanka, Qatar iyo Masar ayaa muddo toddobaadyo ah isku dayaya in ay heshiis xabad-joojin ah kala dhex dhigaan Israa’iil iyo Xamaas. Heshiiska hadda lagu guul-dareystay ayaa dhigayay in Xamaas ay sii deyso dadka ay ka heyso Isra’iil, halka Israa’iil ay xabsiyadeeda ka fasaxeyso maxaabiista jilicsan ee Falastiiniyiinta iyo in labada dhinac ay xabbada joojiyaan muddo lix todobaad ah.

Osama Hamdan oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ayaa salaasadii shalay sheegay, in ay doonayaan xabad joojin joogto ah halka ay ka aqbali lahaa yeen lix toddobaad iyo sidoo kale in Israa’iil ay ciidankeeda gabi ahaanba kala baxdo Gaza.

Ku dhawaad shan bilood oo dagaal cirka badda iyo dhulka ah iyo go’doomin ay Gaza go’doomiyeen ciidamada Israa’iil ayay Qaramada Midoobay sheegtay, in boqollaal kun oo dadka Gaza ah ay qarka u saaran yihiin in ay macluul u dhintaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this