Abwaan Posted January 15, 2009 Posted: 1/15/2009 6:47:00 PM Shabelle: JABUUTI Waxaa Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti dib uga furmay wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda KMG Soomaaliya iyo isbahaysiga dib u xoraynta Garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Suleemaan Colaad Rooble oo ka mid ah xubnaha isbahaysiga dib u xoraynta garabka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Caawa la hadlayay idaacada Shabelle ayaa sheegay in maanta magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ay ka furmeen wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda KMG iyo isbahasyiga. Waxaa uu intaa ku daray Suleemaan in halkaasi ay kawada hadeleen Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegay in uu maanta ka baxay gudaha magaalada Muqdisho islamarkaana ay dhaqangaleen qeybo ka mid ah heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti,waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in uu soo dhawenayo ka bixitanka ciidamada Ethiopia gudaha magaalada Muqdisho. Kulankaasi oo uusan Sulaymaan si toos ah ugu warbixin ajandayaashii looga hadlay ayuu sheegay in maalinta berri ah la soo bandhigayo qodabada kulamadaasi looga hadli doono iyo inta ay kulamadaasi soconayaan. Wadahadalada maanta mar kale ka furmay magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili la hadal hayo in ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo la sheegay in ay dooranayaan Barlamanka Labada dhinac oo la qorshaynayo in haatan la isku geeynayo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites