Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Guudlaawe oo xilka ka qaaday guddoomiyihii ugu waqtiga dheeraa ee HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   
Makaraan.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan oo ahaa ninkii ugu muddada dheer xilka deegaanada HirShabelle, kaas oo waqti fog hayay xilkan.

Wareegta kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyaha, ayada oo mas’uul cusub loo magacaabay gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Waxaa Mudane Axmed Meyre Makaraan laga qaaday xilka “guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ahna duqa magaalada” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sababta xilka looga qaaday ninkan ayaa waxaa lagu sheegay dardartgelinta howlaha maamulka gobolka iyo talo soo jeedin ka timid wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle

Sidoo kale waxaa xilkan loo magacaabay aqoonyahan Maxamuud Maxamed Nuur, sida lagu caddeeyay isla wareegtada uu soo saaray madaxweynaha maamulka HirShabelle.

“Waxaa Mudane Maxamuud Maxamed Nuur loo magacaabay xilka “guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada kasoo baxay xafiiska Guudlaawe.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowladda HirShabelle, Mahadsanidiin”.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddallo kala duwan oo uu haatan wado madaxweyne Cali Guudlaawe, kuwaas oo ku aadan maamul goboleedka HirShabelle.

Madaxweynaha oo xalay wareegto kale soo saaray ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

418159364_420162077337146_88436501514951

The post DEG DEG: Guudlaawe oo xilka ka qaaday guddoomiyihii ugu waqtiga dheeraa ee HirShabelle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this