Sign in to follow this  
Deeq A.

Dahabkii suuriyaanka loo haystay oo laga helay magaalada Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240305_120434869.jpg?resize=709

Taliska ciidamada booliska gobolka Karkaar ayaa hellay dahab tiro badan oo la soo xaday kaas oo ay ku eedaysnaayeen qoys suuriyaan ah oo ka yimi koonfurta Somalia.

Fartuun Cismaan madaxa xafiiska baarista ee booliska Qardho ayaa sheegtay in qoyskaan oo dahab ka xaday Qardho bilooyin ka hor lasoo xiray, ka dibna ay dadkale oo Soomaaliyeed soo sheegeen in dahab ka xadeen.

Qoyskaan ayaa markii saldhigga la keenay, waxay si degdeg ah dahabkii ugu qariyeen qasabadaha biyaha laga isticmaalo. Waxay sameeyeen in ay dafiran dahabka ay soo xadeen oo cadayn loo hayay, waxaana loo gudbiyay xabsigga weyn ee Qardho oo ilaa iyo hadda ay ku jiraan.

Maanta ayaa si lama filaan ah dahabkii looga helay qasabadaha biyaha xili la nadiifinyay. Taliyaha qaybta booliska ayaana soo bandhigay dahabkaan.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa bogaadiyay saraakiisha iyo hawl-wadeenada ciidanka, waxa uu sheegay in eedaysanayaasha ajaaniibta ah dahabkaan ay soo xadeen la hellay, iyaguna ay mari  doonaan wixii sharcigu qabo.

PUNTLAND POST

The post Dahabkii suuriyaanka loo haystay oo laga helay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this