Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Qatar oo Dooxa ku yeeshay kulan xasaasi ah oo la xiriira difaaca

Recommended Posts

Deeq A.   
Qatar-Somalia.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Dooxa (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Qatar ayaa wada-hadallo xasaasi ah ku yeeshay magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar.

Wasiir ku-xigenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi kula kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Qatar Dr. Khalid bin Mohamed al-Attiyah.

Wasiir ku-xigenka wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku,xigeenka ahna wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Qadar ayaa ka wada-hadlay arrimo quseeya difaaca dalka iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada wasaaradood.

Kulankaan oo saacado ayaa qaatay ayaa waxay labada dhinac diiradda ku saareen arrimaha difaaca, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad dagaal, uuna dalka ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan, ayada oo dhawaan labada dhinac ay heshiis is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.

Heshiiskaas oo salka ku haya dhinaca sharciga ah ayaa sidoo kale ka turjumaysa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

The post Soomaaliya iyo Qatar oo Dooxa ku yeeshay kulan xasaasi ah oo la xiriira difaaca appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this