Deeq A. Posted March 5, 2024 Shirkadaha ka dhex ololeeya dowladda Maraykanka ayaa bilaabay in ay iska diidaan macaamiisha u dhashay dalka Shiinaha. Sharci-dejiyayaasha Maraykanka ayaa dhankooda ku hawllan in ay soo saaraan shuruuc lagu adkaynayo adeegyada loo qabto macaamiisha ka soo jeeda Shiinaha. Sharci-dejiyayaasha Maraykanka ayaa sheegay in ay dabada ka riixayaan, sharci waajibinaya in kor loo qaado daahfurnaanta shakhsiyaadka u ololeeya Shirkadaha Shiinaha. Maraykanka ayaa doonaya in uu ka hor-istaago xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha iyo Ciidamada Shiinuhu in ay goldaloolooyinka sharci si sir ah ugu adeegsadaan in ay ku gaadhaan danohooda, kuwaas oo dhaawici kara danaha Maraykanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo xakamaynaya Shirkadaha u ololeeya Shiinaha appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites