Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo walaac xooggan ka muujiyay xad-gudubyo bini’aadanimo oo ka socda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
3-1.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Dowladda Maraykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay xad-gudubyo ka baxsan bini’aadanimada oo siday ay sheegtay ka socda gudaha dalka Itoobiya.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay waaxda Arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu muujiyay walaaca Maraykanka ee xad-gudubyada ka socda gudaha waddanka Itoobiya.

“Dowladda Maraykanku waxay walaac xoogan ka qabtaa warbixinnada ku saabsan xadgudubyada xuquuqda bini’aadamka ee ka dhacaya Gobolladda Amxaarada iyo Oromada ee Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegaysa in xad-gudubyadaasi ay ku lug leeyihiin ciidamada dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka jabhadaha ee ka horjeeda islamarkaana ka dagaallama Gobollada Amxaarada iyo Oromada ee dalkaasi.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka digaya in sii socoshada xad-gudubyadaasi ay saamayn ku yeelan karto taageerada Maaliyadeed ee Maraykanka iyo Beesha Caalamku siiyaan Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo walaac xooggan ka muujiyay xad-gudubyo bini’aadanimo oo ka socda Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this