Sign in to follow this  
Deeq A.

“Maraakiibta mareysa biyaha Yemen waa inay Xuutiyiinta ogolaansho ka helaan..” Dagaalyahannada Xuutiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraakiibta waa in ay ogolaansho ka helaan maamulka arrimaha badda ee Xuutiyiinta ka hor inta ayna soo gelin biyaha Yemen, ayaa lagu yidhi war kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xuutiyiinta Misfer Al-Numair.

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah duqeyn iyo weerar ulla beegsanayey maraakiibta mara gacanka cadmeed tan iyo bartamihii bishii November, iyaga oo sheegay inay weerarayaan maraakiibta laga leeyahay Israel, UK iyo Mareykanka.

Xuutiyiinta ayaa sheegay inay joojin doonaan weeraradooda marka xabad joojin laga dhaqan geliyo Marinka Gaza, loona ogolaado shacabka Falastiin gargaarka caalamiga ah.

Dhacdadii ugu dambeysay, Hay’adda Ganacsiga Badaha ee UK ayaa Isniintii sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan in Markab ay waxyeelo kasoo gaadhay laba qarax, meel 91-miles koonfur-bari ka xigta magaalada Cadan, balse ma jiraan wax dhaawac ah.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayuu badda ku degay Markab laga lahaa UK oo siday sunta bacraminta, Markabkaasi Rubymar ayey Xuutiyiinta ku dhufteen sadex gantaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this