Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Ahaa Ajandaha ay Ka Wadahadleen Wasiir Arrimaha Gudaha iyo Wafdiga Ka Socday Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay wafdi sare oo ka socday dalka Hindiya, oo uu horkacayay Dr. Sureh Kumar oo ah JS-ka ama Xogheyaha wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya.

Inta uu kulanku socday arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; iskaashiga Labada dal ee dhinacyada kala duwan iyada oo si gaar ah loo dul istaagay horumarrrada ay ku tillaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo meelaha kale.

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirkeena dalka India mudane Axmed Cali Daahhir iyo xubno ka socday wasaaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa aad loogu falanqeeyey dhibaatada muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan visaha dalka Hindiya oo ay u aadaan dalalka deriska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin oo arrimahan il gaar ah ku eegaya ayaa ku taliyey in adeegga visaha loosoo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha.

Wafdigan Hindiya oo ka socday guddiga sare ee dakaasi, qeyna ka yihiin xoghayeyaal iyo saraakiil sare ayaa la kulmaya mas’uuliyiin kala duwan ee dowladda, dunida ayaa xilligaan tartan ugu jirta sidii ay ugu soo kala hormari lahaayeen in Soomaaliya ay la galaan heshiisyo kale duwan oo dhanka dhaqaalaha iyo iskaashiga maadaama dhowaan laga cafiyay deymihii lagu lahaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this