Deeq A. Posted March 5, 2024 Doorashada Ururada/Xisbiyada Xeer Lam 14 Maxaa Cusub? Waxa cusub laba ama ka badan tartamayaasha ayaa 20% kii sinmay, boqoleeyadiina way sinmeen. Hadana cod haldheeridii ahna way sinmeen. Hadii ay sidaasi dhacdo waxa la yeelayo ayaa cusub. Hadaba lagama yaabo in ay dhacdo oo waa one in milyan times. Xeerku hadiiba ay dhacdo wuxu xalka u celinayaa fadhi ay labada gole ee baarlamanka wadajir u yeeshaan isla markaana doorasho qarsoodi ah ugu kala codeeyaan. Dadna waxay qabaan in ay ka fiicnayd in loo qorituuro. Kolay maaha muhiim in la isku mashquuliyo waayo waa wax aynu og nahay in aanay hore u dhicin dibna laga yaabo in aanay u dhicin. Dhinaca kale qodobkii la isku hayay ee Maxkamadda Sare laga sugayo tafsiirkiisana maaha ee waa qodobka 20% afar gobol iyo cod haldheeri ah. Kaa laftiisa waxa loo daayay sidii uu weligiiba ahaa ee wax laga bedelay ma jiro Sidaa darteed lagama yaabo in Maxkamadda Sare ay wakhti ku lumiso qaraarkeeda qodobka sare. Qaraarka maxkamada ayaa noqon doona kama dambays sidaana wax ku soo afjarmi doona murankii dhinaca sharciyadda doorashooyinka bisha November 2024 hadii Allah yidhaa. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites