Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Officially Invited by the Italian Government

Recommended Posts

Madaxweyne Rayaale oo marti qaad rasmi ah ka helay dawlada Talyaaniga xagaasina ka hadli doona

 

 

Sida ay noo sheegeen ilo dublamasiyadeed oo ku kala sugan wadamada Talyaaniga iyo Norway, ayaa xaqiijinaaya in madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin uu martiqaad rasmi ah ka helay dawlada Talyaaniga, lana filaayo in uu magaalada Rome gaadho maanta galinka danbe ama bari subaxda.

 

Casuumadan ayaa waxa madaxweynaha iyo waftigiisa oo ku sugnaa wadamada Yurubta galbeed u fidiyay wasiirka arimaha dibada ee dalka Talyaaniga iyo madax kale oo sarsare.

 

Madaxweyne Rayaale ayaa la filayaa in uu qudbad ka jeediyo wasaarada arimaha dibada ee dalka Talyaaniga isaga oo ka warami doona xaalada guud ee geeska Afrika gaar ahaan qadiyada Somaliland iyo sidii ay dawladaha caalamku u aqoonsan lahaayeen, dhanka kalana sida uu noogu soo waramaayo wariye xagaasi jooga oo aanu la xidhiidhnay, waxa uu noo xaqiijiyay in madaxweynaha iyo waftigiisa ay saxaafada dalka Talyaanigu ay u sii diyaar garoobayaan isla markaasna ay halkaasi ka baahin doonaan socdaalkiisaasi, sidoo kale warbaahinta bbc-da ayaa iyana isha ku haysa socdaalka madaxweynaha iyo waftigiisa.

 

Waftigan ayaa baryhanaba ku maraayay socdaal rasmi ah wadamada Sweden iyo Norway, iyaga oo ku socdaalaayay Basaaboorka dalka Somaliland oo uu hadana Talyaanigu ayidsanyahay oo ay ku gali doonaan dalka Talyaaniga.

 

Sideedaba Talyaaniga ayaa baryihii ina soo dhaafay waxa ay isku xumaayeen dawlad ku sheegta uu hogaamiyo C/laahi Yusuf ee lagu soo dhisay Imbigaati, taasi oo Talyaanigu uu quus ka taaganyhay, sida ay doontaba ha ahaatee dawlada Talyaaniga oo hada indhaheeda u furtay xaqiiqada ka taagan dhulkii la isku odhan jiray Somaliya, ayaa ku qasban in ay hada dhagaysato qadiyada gooni isu taaga Somaliland taasi oo ah mid lagama noqdaan ah iyo iyada oo aan marnaba calanka Somaliland hoos loo dhigi doonin abidkiiba.

 

 

Qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this