Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad Yaasiin oo maanta qaaday tallaabo kale wax ka yar laba bil

Recommended Posts

Deeq A.   
Fahad-Yaasiin.jpeg?fit=2048%2C1560&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke Soomaaliya ee (NISA), iyo agaasimihii madaxtooyada, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta qaaday tallaabo kale wax ka yar laba bilood, isaga  sameystay ciwaan cusub oo baraha bulshada ah, gaar ahaan aaladda Facebook.

Fahad Yaasiin oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku sheegay inuu ciwaan gaar ah uu ku yeeshay barta Facebook-ga kaasi oo uu ku furtay magaciisa oo u dhigan @Fahad Yasin.

Qoraalka uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ciwaankan cusub uu noqon doono kiisa labaad ee rasmiga ah oo uu ku yeesho baraha bulshada, maadaama muddo hadda laga joogo 40 cisho uu horay ciwaan uga furtay barta X Twitter, halkaas oo kusoo bandhigo farriimihiisa siyaasadeed.

Sababta waxa uu ku sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag oo aan laga aamusi karin, taas oo ku aadan madax banaanida dalka oo uu tilmaamay in lagu soo xadgudbay.

Sidoo kale wuxuu kusii daray in saaxibo badan ay kula taliyeen inuu furto ciwaankan, si uu uga soo muuqdo fagaarayaasha siyaasadda.

Keddib markii aan arkay xaaladda dalku marayo oo ah mid aan laga aamusi karin oo madaxbannaanideena lagu soo xadgudbay, saaxiibo kala duwanna ay igula taliyeen inaan sameysto bar aan fariimaha kusoo gudbiyo, waxaan garowsaday inaan yeesho cinwaankan labaad ee barta Facebook oo noqonayo kan rasmiga ah ii imatala” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Cinwaan kasta oo kale oo magacayga xanbaarsan, waa mid ay si iskood ah u furteen xariifiin gacmo shisheeye ama masaakiin maciin biday iney beenta ka macaashaan”

Ninkan oo caan ku ahaa inuu is qariyo, isla markaana kasoo muuqan warbaahinta, baraha bulshada iyo shirarka ayaa u muuqdo inuu haatan kasoo baxay daaha gaashadiisa, si uu uga soo muuqdo fagaraayaasha siyaadda.

Tallaabada uu mar kale maanta qaaday ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah Soomaaliyna ay ka taagan tahay xiisadda Badda ee Itoobiya iyo dood kale oo ku aadan arrimaha dastuurka.

The post Fahad Yaasiin oo maanta qaaday tallaabo kale wax ka yar laba bil appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this