Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo ku hungowday inay wada hadal siiso madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa isku howlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiska dhinaca badda ah oo ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Willian Ruto oo isku dayay inuu dhexdhexaadiyo Xasan Sheikh iyo Abiy Axmed, ayaa waxaa ka biyo diiday madaxweynaha Soomaaliya  oo sheegay in aanu  wax wada hadal ah la galayn Abiy Axmed ilaa ay Itoobiya meesha ka saarto heshiiskii Is-afgaradka ee ay wada-galeen dalalka Itoobiya iyo Somaliland

Abiy Axmed ayaa ku adkaystay, in heshiiskaas uu ahaa heshiis arrimo ganacsi oo aanu dib uga laabanayn.

Kenya ayaa ku qancisay Addis iyo Muqdisho in ay hoos u dhigaan hadalladooda fagaare ee midba midka kale uu kagasoo horjeedo.

Sida ay sheegayaan ilo diblumaasiyadeed, Habeenimadii Khamiista markii ay labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhoofeen Nayroobi, waxa la isla gartay in aanay mar dambe ka hadlin meel fagaare ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this