Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Ethiopian Airline oo halis weyn waajahaya kadib hanjabaad ay soo saartay Jabhadda hubeysan ee Amxaaradda

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadda hubeysan ee Amxaaradda ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines, oo ay ku eedeysay in ciidanka Itoobiya u isticmaalan daabulidda ciidamada.

FANO oo qoraal ku baahisay baraheeda warbaahinta ayaa sheegatay in ay qabsadeen gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas. Sidoo kale waxay shaacisay in ay haystaan gantaalo gaadhaya 40,000 feet oo dhanka hawada ah.

Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimaadyada ee hawadaha gudaha dalkaasi sababa la xidhiidha khatarta ka timid dhanka Jabhadda Fano, sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah.

Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Waqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadadkooda dib u jihayn laga sameeyay.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah, kadib markii Jabhadaha mucaaradka Itoobiya ay dib isu soo abaabuleen, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah kaga soo adkaadeen ciidanka maamulka Abiy.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii dowladda Itoobiya weerar culus ku qaadday Jabhaddaan oo ku sugan Waqooyi-galbeed gobolka Amxaaradda, islamarkaana uu tan iyo toddobaadkii hore uu socday dagaal qadhaadh oo u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo Fano, kaasi oo ku dhex-marayay qeybo kala duwan oo gobolka ah.

Si kastaba, khatartaan soo korodhay ee duulimaadyada ganacsi ayaa waxay khatar kale gelinaysaa dhaqaalaha dhammaan gobollada dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this