Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqonaysa xubinnimada EAC

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa maanta loogu dhawaaqayaa inay ugu dambayn si rasmi ah u biirtay ururka bulshada Bariga Afrika (EAC), ka dib markii ay soo gaartay bar dhammaadkii ugu dambeeyay ee ku biirista ururkan.

Soomaaliya ayaa ku biiraysa dalalka Kenya, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania oo kamid ah xubnaha ururkan.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa go’aan Jimcihii lasoo dhaafay kasoo baxay shir aan caadi ahayn oo ahaa midkii 23-aad oo ay yeesheen madaxda EAC.

Galitaanka Soomaaliya ee Bulshada waa mid ku yimid wada xaajood sida lagu  tilmaamay shir madaxeedka 22aad ee aan caadiga ahayn.

Talaabadan ayaa sare u qaadi doonta isku xidhka, kor u qaadi doonta ganacsiga iyo dardar galinta qorshaha isbadalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this