Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan dib u-habaynta Nidaamka Maaliyadda Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowladda-Soomaaliya-iyo-Heyadda-Lacagta-

Shir ku saabsan Hannaanka dib u-eegista Nidaamka Maaliyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo Shirkaasi uga furmay Nairobi ayaa ka wada-hadlaya dib u-habaynta Nidaamka Maaliyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaaradda Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka qayb-galaya Shirka oo mudda Todobaad ah socon doona.

Qodobada ugu muhiimsan Shirka ayaa waxa kamid ah Sare u qaadidda dakhliga dowladda iyo Horumarinta Maamul Wanaagga Nidaamka Maaliyadda dalka sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan dib u-habaynta Nidaamka Maaliyadda Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this