Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul easaaraha oo is-casilay – Yaa lagu beddelaa?

Recommended Posts

Deeq A.   
Zubeyr.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr ayaa shalay xilkii iska casilay, isagoo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraalka ayuu ku sheegay Maxamed Abuukar inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu xilka iska casilo, isagoo uga mahadceliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre shaqadan uu horay ugu igmaday. 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in isku shaandheyn iyo isbadalo lagu sameynayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan xilalka Golaha Wasiirada iyo agaasimayaasha, waxaana sidoo kale laga yaaba iney is-casili doonaan saacadaha soo socda xubno kale.

Maxamed Zubeyr ayaa xitaa is-casilaaddiisa kahor la rumeysnaa inaanu awood buuxda ku lahayn xafiiska, ayada oo ra’iisul wasaaraha ay ku hareereysan yihiin la-taliyeyaal badan oo awood leh, taasi oo jahwareer ku haysa xafiiska.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xilkan Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha loo wado Kamaal Xasan Guutaale, oo hadda ka mid ah la-taliyayaasha tirada badan ee Ra’iisal Wasaaraha.

430690439_8247595648600784_7924868733800 430674561_8247595695267446_3362879395643

The post Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul easaaraha oo is-casilay – Yaa lagu beddelaa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this