Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dhacdooyin argagax leh oo saacado gudahood ka dhacay magaalada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_8473.jpeg?fit=1080%2C814&ssl=1

Garowe (Caasimada Online) – Xaafadda Horseed ee magaalada Garowe waxaa laga helay meydka gabar yar oo la gowracay, jirkeedana ay nabaro badan ka muuqdaan.

Falkaan ayaa xaafadda uu ka dhacay aad looga hadal hayaa. Waxaana socda baaritaan ay wadaan laamaha amniga gobolka Nugaal, si gacanta loogu soo dhigo dambiilayaasha.

Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay gabadhaas iyo cidda falkaan gaysatay, balse dhacdadaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo fal kufsi ah uu ka dhacay isla magaalada Garowe.

Gabar yar oo 13 jir ah oo ku nooleed Kaam-ka Shabeelle ee  magaalada Garowe ayaa la sheegay kufsi loo geystay saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Booliiska Puntaland ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan mid kamid  ah labo nin oo loo heysto inay kufsadeen gabadha yar.

Ragga labada ah ee loo heysto kufsiga ayaa ka tirsan ciidamada Puntland, taas oo fadeexad ku noqotay maamulka, gaar ahaan hey’adaha amniga.

Dhacdooyinkaan xanuunka badan ee gabdhaha yaryar loogu geystay dilka iyo kufsiga saacado is xiga ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Garoowe iyo inta badan deegaanada Puntland.

Maalmahaan dalka dhan, haba ugu daraatee Muqdisho waxaa ka socday tacadi ay dadku isku geysanayaan, sida lamaane is dilay, kufsi iyo kuwo nolosha lagu gubay, arrintaan ayaa la yaab ku noqotay bulshada.

The post Xogta dhacdooyin argagax leh oo saacado gudahood ka dhacay magaalada Garowe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this