Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib dhacdadii shalay, Xasan Sheekh oo la xasuusiyay xanuunka ay leedahay in…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib loo xasuusiyay xanuunka ay leedahay dibad-baxayaal la rasaaseeyo, xilli ay shalay ciidanka dowladda Muqdisho ku rasaaseeyen dibad-baxayaal.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn u cambaareeyay khasaaraha ka dhashay rasaastii shalay lagu riday dadkii mudaharaadayey ayaa falkaasi ku tilmaamay xad-gudub weyn.

“Waxaan cambaaraynayaa dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay rasaastii lagu riday dadkii ku mudaaharaadayey Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Falkaasi wuxuu xadgudub ku yahay xaqa dastuuriga ah iyo xurmada nafta muwaadinka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Allaha u naxariisto wiilka dhallinyarada ah ee ku dhintay rasaasta, kuwa dhaawaca ahna Allaha u booga dhayo.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaaniyay in shacabka Muqdisho marar badan ayey dalbadeen in magaalada maqaam loo sameeyo, si ay u soo doortaan hoggaan ay la xisaabtami karaan, “taasi oo aan marar badan ku cel-celinay, welina u taagannahay,” ayuu yiri.

“Ka sokow in ay masuuliyad saaran tahay, haddana waxaan xusuusinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, xanuunkii ay lahayd dibadbaxayaal la rasaaseeyo,” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Si kastaba, dibadbixii shalay oo ay dhigayeen dadweyne careysan ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabadda, ayada oo shaqaaqada timid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasaaseeyen dibad-baxayaashii, kaasi oo uu ka dhashay khasaare dhaawac iyo dhimasho leh.

The post Kadib dhacdadii shalay, Xasan Sheekh oo la xasuusiyay xanuunka ay leedahay in… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this