Deeq A. Posted March 3, 2024 Diblomaasi hore oo Mareykan ah oo soo noqday safiirka Mareykanka ee Bolivia ayaa qirtay dambiga ah in uu basaas u ahaa Kuuba in ka badan 40 sano. Victor Manuel Rocha (73 jir) ayaa lagu eedeeyay in uu si qarsoodi ah xogta ugu gudbin jiray dowladda Kuuba oo ay maamulayeen shuuciyada, tan iyo 1981-kii, xilligaas oo uu ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Manuel Rocha ayaa bedelay bayaan hore oo kasoo hor jeediyay maxkamada Mareykanka ee Miami Khamiistii, wuxuuna qirtay dambiga ka dib markii uu ku adkaystay in aanu wax dambi ah lahayn. Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan diblumaasigii hore dhageysiga 12-ka April, taasoo daaha ka dhigeysa mid ka mid ah kiisaska ugu caansan ee basaasnimada ee u dhexeeya Kuuba iyo Mareykanka oo ku socda xawaare lama filaan ah. Source Share this post Link to post Share on other sites