Sign in to follow this  
Deeq A.

Qudus oo ay debedbaxyo ka dhigeen ehelada dadka Israa’iiliyiinta ah ee gacanta ugu jira Xamaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Kumanaan qof oo dalbanaya in la sii daayo maxaabiista Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas ayaa gaadhay magaalada barakaysan ee Qudus Sabtidii, xilli ay socdaan wadahadalo la doonayo in lagu gaadho heshiis xabad-joojineed, kaas oo ka soca magaalada Qaahira.

Debedbaxayaashan oo ay hoggaaminayaan qoysaska dadka lagu haysto Gaza ayaa socod ku aaday magaalada Qudus, iyaga oo sii maray waddada saxmadda badan ee aadda magaalada Qudus, waxayna soo gaadheen badhtamaha magaaladaas Fiidnimadii.

Debedbaxayaashan ayaa soo afmeeray, socod bannaanbax ah oo ay soo wadeen muddo afar maalmood ah, kaas oo kasoo bilaabmay, mid ka mida goobihii ay Xamaas weerartay bishii October 7-deedii.

Kooxahan ayaa mudaharadkan u samaynayey, sidii ay xukuumadda Israa’iil ugu cadaadin lahaayeen, sidii loo soo dayn lahaa, dadka Israa’iiliyiinta ah ee gacanta ugu jira Xamaas.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa rajo ka muujiyey in marka ay curato bisha barakaysan ee Ramadan, inuu rajaynayo in xilligaas ka hor la gaadho heshiis xabbad-joojin ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this