Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Saraakiil sahan ka billaabay xeebaha Soomaaliya iyo qorshe culus oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   
Turkey-scaled.jpeg?fit=2560%2C1471&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka socota ciidamada badda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Jimcihii billaabay sahminta saldhigyo ciidan oo laga sameynayo gudaha badda, gaar ahaan xeebaha gobollada waqooyi ee Somaliland, si Itoobiya looga difaaco badda Soomaaliya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, saldhigyada ugu muhiimsan waxaa lagu abaarayaa magaalooyinka Baki iyo Seylac oo ku yaalla goobo istaraatiiji ah, ilaa xeebaha ku dhow Jabuuti ayaa lagu sameynayaa sahankaan.

Saraakiisha sameyneysa sahanka waxay isugu jiraan Soomaali iyo Turki, waxayna wataan diyaarado militeri, waxaana lagu wadaa in sahankaan ay ku jirayaan maalmahaan, maadaama la dejinayo qorshihii ciidamada Turkigu ay ku soo degi lahaayeen badda Soomaaliya.

Xeebaha gobolka Awdal ilaa xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti waa biyaha muhiimka ah ee laga difaacayo Itoobiya, waxaana dhankaas u bada doona saldhigyada ciidamada badda Turkiga, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil xog ogaal ah.

Toddobaadyada soo socda waxaa lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay soo gaaraan maraakiib dagaal iyo ciidamo ka socda Turkiga, si loo guda-galo dhaqan gelinta heshiiskii difaaca ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga.

Sahanka ka socda badda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka Turkiga uu joogo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, halkaas oo madaxweynaha Turkiga uu kula kulmay, arrimihii ay ka wadahadleena waxaa ku jirtay in la dedejiyo qorshaha ciidamada Turkiga lagu dejinayo badda Soomaaliya.

Qorshahani wax weyn ayuu uga dhigan yahay Soomaaliya, waxaa difaac adag heli doonta badda Soomaaliya, waxaana awood militeri lagu burinayaa heshiiskii Somaliland ay badda ku siisay Itoobiya.

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee badda lagu difaacayo, wuxuu dhigayaa in 10 sano gudahood lagu dhiso ciidamada badda Soomaaliya, laguna qalabeeyo, qorshaha socda ayaa dhabarjab weyn ku ah Itoobiya oo qorshaheedu ahaa inay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

The post Xog: Saraakiil sahan ka billaabay xeebaha Soomaaliya iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this