Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo soo Bandhigay Dhaliilo Maamul oo Dul Hogganaaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo soo Bandhigay Dhaliilo Maamul oo Dul Hogganaya Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI Yuusuf Tadhase ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay dhaliilo maamul iyo lacago ka maqan guddiyada ciyaaraha ee ka shaqeynaya tartanka horyaalka horyaalada ee ka socda Berbera.

Qoraalkan oo nuqul ka mid ah na soo gaadhay wuxuu u qornaa sidan:-

“Kadib Shirkaygii Jaraa’id ee aan Maanta qabtay kuna saabsana in Lacagtii ay ku shaqeynayeen Garsoorka, Guddiyada iyo Shaqaalaha kala duwan ee Horyaalka Horyaaladda Somaliland ee Berbera ka socda aan idinla socodsiiyo wixii ka soo kordhay.

Ugu horeyn Wasiirka Ciyaaraha ayaa isaga oo Asqaysan fahamkiisa ciyaarahana caawa muujiyay ka hadlay, iskuna qaaday Mawduucii aan ka hadlay wax ka baxsan hal marna aan soo hadal qaadin qoddobaddii aan ka hadlay iyo in Dadkii shaqeynayay Lacagtoodii ka maqan tahay oo Deyn loo haysto.

Maanta intii aanay Ciyaartu bilaaban Wasiirka Ciyaaraha iyo Badhasaabka Saaxil ayaa Garsoorkii iyo Guddiyadii gadhka qabsaday markii ay diideen inay ciyaartu dhacdo lacag la’aan, markii ay ka yeeli waayeen dhallinyartii Baryadooda waxay Baryo Jeeg kaga soo qaadeen Maayar Cidin, waxaanay XKCSL ku wareejiyeen Jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan ($10,000), sidii ayaanay ciyaartii ku suurtoyday.

MAXAA DHACAY CAAWA?

Guud ahaan Garsoorkii waxaa la siiyay Lacagtii ka maqnayd ilaa kulanka Finalka, waxaanay isku noqotay $3,675.

Waxaa iyaguna diiday Lacagtii ka maqnayd Guddiyadii kale ee shaqeynayay, kadib markii qofkiiba la yidhi ha qaato $9 halka qorshihii hore ee loo sheegay ahaa qofkiiba $25

MAXAA KA MAQAN LACAG GUDDIYADA?

– Guddida Dacwaddaha oo ka kooban 6 xubnood, waxaa ka maqan $5,250
– ⁠Guddida Anbiilka oo ka kooban 4 xubnood, waxaa ka maqan $3,500
– ⁠Komishineerada oo ka kooban 4 xubnood, waxaa ka maqan $3,500
– ⁠Protocolka oo ka kooban 2 xubnood, waxaa ka maqan $1,750
– ⁠Xubnaha XKCSL oo ka kooban 5 xubnood, waxaa iyana ka maqan $4,375
– ⁠Ciyaalka kubadaha soo qabta oo ka kooban 8 xubnood, waxaa iyana ka maqan $1,400

Lacagta Guud ee ka maqan Shaqaaluhu waa $19,775

BERI IYO KULANKA WASIIRKA IYO GUDDIYADA

Wasiirka Ciyaaraha ayaa Masuuliyiinta XKCSL isaga oo ku daba gabanaya Caawa Guddiyada iyo Shaqaalaha kale ka codsaday inaanay Saxaafadda ama Baraha Bulshadda ka muujin Cabashadooda, taas bedalkeedana uu la ballamay Beri inay 9 Subaxnimo ay kulmaan maadaama ay ka biyo diideen Lacagtii $9 ahayd oo ay doonayaan $25 oo loo sheegay in qofkiiba uu qaadanayo Tartanka hortii.

Waa inoo iyo kulankaas Beri iyo wixii ka soo baxa, Wasiirka Ciyaaruhu ha oggaado in Tooshka lagu ifin doono wax kasta oo ka qaldama ama qalabka loo rogayo, waxaa loo shaqeynaya waa dhallinyaro in loo hiiliyaana waa waajib Dastuuri ah oo cidna looga amar qaadanayn.

Sakaaro Xaar muuq-muuqda ayay Aasta!!.

Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)
Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga WADDANI.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this