Sign in to follow this  
Deeq A.

In Haweenka laga Riixo Fursadaha Siyaasaddeed waa arrin Somaliland ku Xiddidaysatay” Guddoomiyaha Dalladda SONSAF

Recommended Posts

Deeq A.   

“In Haweenka laga Riixo Fursadaha Siyaasaddeed waa arrin Somaliland ku Xiddidaysatay”
Guddoomiyaha Dalladda SONSAF

IMG-20240302-WA0011.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Dallada Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame, ayaa sheegay in fursadaha siyaasadda oo laga riixo haweenku ay tahay dhaqan ku xiddidaystay Somaliland.

Sidaasna wuxuu ku sheegay Qoraal uu soo saaray oo soo gaadhay xafiiska warqabadka ee Shabakadda Qarannews, waxaanu qoraalkiisu hiil u ahaa xildhibaan Aamina Fariid oo isku shaandheyntii Guddi hoosaadyada Wakiillada ay ka weyday fursad ay guddoomiye ku noqoto. Waxaanu qiraalkaasi u dhignaa sida:-

“In Haweenka laga riixo fursadaha siyaasadeed waa arrin Somaliland ku xididaysatay.

Matalaadda haweenka ee siyaasadda iyo fagaarayaasha lagu jaangooyo siyaasadda Somaliland waa mid aad u hooseeya.

Marka laga hadlayo boqolayda ragga iyo haweenka haya boosaska siyaasadeed ee muhiimka ah, Somaliland waa meesha ugu hoosaysa Geeska Afrika.
Waxa maanta larkaa siyaasadeed dib u kiciyay dhawaqii ka soo yeedhay Xildhibaanka kaliya ee Haweenka ku matala labada gole ee sharci-dejinta Somaliland. Hadalkii maanta ee Xildhibaan Aamina Fariid waxa uu markale ka marag kacay in siyaasadda Somaliland albaabkeedu wali ka xidhanyahay haweenka Somaliland.

Waxa aan ka xumahay in aan Shir-guddoonka golaha Wakiilada iyo Xildhibaanaduba aanay Xildhibaan Aamina ku ixtiraamin aqoonteeda, waaya-aragnimadeeda gaadhsiisan heer wasiir buuxa iyo in ay tahay haweenayda qudha ee ku jirta goleyaasha sharci-dejinta.

Waxa aan ugu baaqayaa Shir-guddoonka golaha wakiilada in aanu dhayalsan hadalka xildhibaanada islamarkaana ay qaadaan talaabo degdeg ah oo lagaga jawaabayo garnaqsiga xildhibaanadda.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this