Sign in to follow this  
General Duke

Al-Bayan clan court not happy??

Recommended Posts

Maxkamadda Al-bayaan oo isaga baxay Midowga Maxaakimta Khilaaf soo kala dhexgalay darteed

 

Oct 12. 2006 Radio Free Somalia (RFS)

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Maxkamadaha Al-bayaan oo ka mid ah Midowga Maxkamadaha Soomaaliyeed ayaa sheegaya in guddoomiyihii Maxkamaddaas iyo Madaxda Midowga Maxkamadaha uu soo dhex galay Khilaaf aad u xooggan.

 

Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay kaddib markii Maxkamadda Al-bayaan oo damacsanayd inay howlgallo nabadeed ka sameyso Deegaanka Buur-hakaba lagu qasbay inay joojiyaan nabadda ay wadaan isla markaana ay maxkamaduhu doonayaan inay dagaallo ku qaadaan xarumaha Dowladda.

 

Ila wareedyada oo codsaday inaan magacyadooda la sheegin ayaa u xaqiijiyay Shabakadda wararka ee Puntlandpost in guddoomiyaha uu haatan baxsad ka yahay xrunta Maxkamaddiisa ay ku taallo isla markaana uu ku jiro duurka deegaanno ka tirsan Gobolka Bay, waxaana la sheegay inuu go'aansaday inuusan dib ugu soo laaban xaruntiisa tan iyo inta laga dhameynayo khilaafka xooggeystay ee u dhexeeya isaga iyo madaxda Maxkamadaha.

 

Sidoo kale ilo wareedkaan waxay sheegayaan in guddoomiyaha Maxkamadda Al-bayaan Maxamed Ibraahin Bilaal uu ka badbaaday shirqool la doonayay in lagu qaarijiyo isaga, taasoo lagu sheegay inay keentay inuu baxsad ku noqdo howdka Gobolka Bay.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-bayaan ayaa la sheegay in gawaari uu leeyahay laga reebtay isla markaana lagu wargeliyay inuusan howlgallo nabadeed ka sameyn karin gobollada uu ka soo jeedo, waxaase wararka qaarkood ay sheegayeen inuu xilligaas doonayay inuu kulammo la yeesho Madax ka socota dhanka dowladda si ay heshiiyo ula gaaraan.

 

Mas'uuliyiin si qarsoodi ah ugu hadlay maxkamadda ayaa waxay daboolka ka qaadeen inay ka bixi doonaan Midowga Maxkamadaha haddii aan si deg-deg ah lagu xallin khliaafaadyada u dhexeeya iyada iyo Midowga Maxkamadda mas'uuliyiinteeda.

 

Radiofreesomlai.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this