Sign in to follow this  
Deeq A.

Vladimir Putin oo reer Galbeedka ugu hanjabay adeegsiga Hubka Nuclearka

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-c0a8-0242-7057-08db813ef545_cx1

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa digniin adag u jeediyay dalalka reer Galbeedka, isaga oo sheegay in uu bilaabayo dagaal loo adeegsado hubka nuclearka haddii ay ciidamo u diraan dalka Ukraine. 

“waa in ay garowsadaan in annaguna aan haysanno hub duqeyn kara goobo xuduudihiinna ku yaalla. Arrimahan oo dhammi waxay keenayaan khatar ah in hub nuclear ah la adeegsado iyo burbur uu ku yimaadda ilbaxnimooyinka. Intaa ma ayna fahmin miyaa?” ayuu yiri Vladimir Putin.

In kasta oo xulufada Ukraine ee reer Galbeedka ahi ay Kyiv u diraan saanad milatari, laakiin midkoona wali ma oran waxaan dirayaa ciidan ka garab dagaalama kuwa Ukraine.

Hase yeeshee, horraantii toddobaadkan ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in, in kasta oo aanu jirin qorshe meel yaalla oo ciidan reer Galbeed ah lagu dirayo si ay Ukraine uga dagaallamaan, haddana ay suurto gal tahay.

Dhowr madaxda reer Yurub ah ayaa ka hor yimid soo jeedinta Macron ee ciidan-dirista. Maraykanka ayaa isna tallaabadaas oo kale qaatay.

PUNTLAND POST

The post Vladimir Putin oo reer Galbeedka ugu hanjabay adeegsiga Hubka Nuclearka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this