Sign in to follow this  
Deeq A.

Ethiopia Airline oo beenisay inay joojisay isticmaalka hawada Somaliland iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda diyaaradda ee Ethiopian Airlines ayaa waxay beenisay warar baraha bulshada ee internet-ka lagu faafiyay, kuwaas oo sheegayay in shirkaddu ay joojisay isticmaalka hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirkadda Ethiopian Airlines waxay caddaysay in in ayna joojin duullimaadyada hawada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo madaxa shirkadda Ethiopian Airlines aanu sheegin in ayna ammaan ahayn duullimaadyada hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxaanu idiin xaqiijinaynaa in warqadda lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in ay kasoo baxday Ethiopian Airlines, oo loo soo diray IATA, ay tahay mid been abuur ah. Ethiopian Airlines weligeed warqad noocaas ah uma qorin IATA.” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay shirkadda.

Shirkadda ayaa ka codsatay BBC-da Amxaarigu inay saxdo warbixin ay sii daayeen oo ay ku sheegeen in shirkaddu sheegtay in ay joojisay isticmaalka hawada Somaliland iyo Soomaaliya sababta ay ku sheegeen in aan la isku hallayn karin amniga hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Warar shalay warbaahinta aad u galay ayaa lagu sheegay, in Itoobiya Airlines ay sheegtay inay hawada Somaliland iyo Soomaaliya ka leexatay. Waxay sheegtay inay dhanka dalka Jabuuti hawadiisa u wareegtay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this