Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo cabasho xoogan ka muujisay dhex dhexaadnimada Laanta Af Somaaliga ee BBC

Recommended Posts

Deeq A.   

“Ololaha Borobagaandada ka Dhanka ah Somaliland ee ay Wado BBC-du Maaha mid loo Dulqaadan Karo”

Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayèenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin ololaha borobagaandada ay BBC-du ku foogan tahay ee ka dhanka ah JSL iyo Shacabkeeda.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu caddeeyay inay madaxda laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ay u gudbiyeen qoraalo xidhiidh ah oo caddaymo watay, hase ahaatee aanay waxba ka qaban waxyaabihii looga digay.

“Ololaha borobagaandada ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkeeda ee ay wado BBC-du maaha mid loo dul-qaadan karo gabi ahaanba,” ayuu ku yidhi Wasiirka Warfaafintu farriin uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter).

Waxa kaloo intaas ku daray “Waxaanu u dirnay cabashooyin badan madaxa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, kuwaasi oo ay ku lifaaqnaayeen caddaymo. Waxaanu uga dignay inay joojiyaan doodaha la buun-buuniyo iyo wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Somaliland.laakiin halkii ay wax ka qaban lahaayeen waxa ay gabi ahaanba doorteen wax ku lid ah waxyaabaha looga digay iyagoo si xawli ah ugu foogan sumcad dilka Somaliland.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this