Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo 104 shacab ah ku dishay goob cunto laga qeybinayay oo ku taalla Qaza

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-c0a8-0242-decd-08dc39535b0e_w40

Ugu yaraan 104 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Qaza, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen, xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Qaza.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay hubinayaan wararka is-khilaafsan ee ka soo baxaya, sida weerarku u dhacay.

Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco.

“Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la badho” ayay u sheegtay weriyayaasha, xilli ay ku sugnayd diyaaradda madaxweyne Biden ee Air Force One, xilli madaxweynuhu u safrayey xuduudda Maraykanka iyo Mexico.

“Dhacdadani waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida loogu baahan yahay … in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Qaza”.

Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen meel ay dad badani ku sugan yihiin, oo ku taalla al-Nabusi.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo 104 shacab ah ku dishay goob cunto laga qeybinayay oo ku taalla Qaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this