Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo la kulmay WFP

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Cali Xoor-Xoor oo la Kulmay Masuuliyiinta WFP

IMG-20240229-WA0007.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali xoor-xoor) Ayaa kulan la qaatay Hay’adda Cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP.

kulankaas uu Wasiirku la qaatay madaxda Hay’adda WFP waxa lagaga wada arrimo la xidhiidha Daryeelka Bulshada, kuwaas oo ay wado wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, isla markaana, qayb ka tahay hay’adda Cunada adduunka ee WFP.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) ayaa ku amaanay madaxda Hay’adda WFP wada shaqaynta fiican ee ay la leeyihiin Somaliland, gaar ahaan wasaaradda uu wasiirka ka yahay, isagoo intaas ku daray inay muhiim tahay sidii ay u xoojin lahaayeen hawlaha la xidhiidha dhanka daryeelka bulshadda.

Geesta kale wasiirka iyo madaxda hay’adda WFP ayaa isla eegay kormeer iyo qiimayn ay wasaaradu ku samaynayso guud ahaanba mashruuca daryeelka bulshada oo ay Wasaaraddu hogaaminayso, Mas’uuliyiinta hay’adaas ayaa soo dhaweeyay qiimayntaas ay Wasaaradda Shaqo-gelintu wado.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this