General Duke Posted January 2, 2008 Maleeshiyooyin hubeeysa oo jid gooyoyin dhigtay Gudaha magaalada Kismaayo Sh, M network 02 Jan 08, 05:35 Mogadishu 02, Jan. 07 (Sh.M.Network)-Maleeshiyooyin ku hubeeysan qoryaha fud fudu ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay jid gooyooyin ugu badnaa dhigteen gudaha magaalada kismaayo. Dhigashadan isbaarooyinka ayaa magaalada kismaayo ka ahaayeen kuwo ku sii kordhayay magaalada gudeheeda iyagoo gooyay wadooyinka halboowlaha u ahaa magaalada Kismaayo . Isbaaroyin gaaray illaa afar ayaa waxaa ay dhigteen maleeshiyadan meelo ay ka mid yihiin isgooyska Aargo,qacle iyo wadada dheer ee gasha Dekeda Kismaayo oo xaniban maalintii 2aad waxaan aay ku ridayeen gawaarida isku soo dayda in ay soo maraan wadooyinkaasi rasaas xoogan, oo baqdin galisay dadka ku nool deegaanada ay maraan wadooyinka . Xiliyada habeenkii oo ay xalay ugu horeeysay waxaa ka soo dul dhacayay gaadii aan ka war heeyn xirnaanshiyaha wadooyinkaasi ee ay joojiyeen maleeshiyaadkaasi,oo ka imaanaya magaalada dibadeeda taasoo sababtay in rasaas aan loo meel dayin ay uuda kaga qaadaan, waloow ayan geeysan wax qasaare ah. Magaaada Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya dedaalo lagu doonayo sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinkaasi oo ay wadaan hogaanka dhaqanka iyo siyaasada Beesha **** kuwaasi oo lagu doonayoin lagu qaado jidgooyooyinka iyo xurgufta ka taagan magaalada Kismaayo. Arintani ayaa ka danbeeyasay kadib marikii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore ee dhinaca siyaasada beesha **** C/ risaaq Faarax Taano, taasoo marki danbe loo magacaabay Ismaaciil Qalinle oo ka mida siyaasiyiinta beesha ****. Arintani ayaa sababtay in cirka ay isku shareerto sababtayna in maleeshiyaad taabacsan **** C/ risaaq Faarax Taano ay la wareegaan gacan ku heeynta dekeda kismaayo iyo jidgooyooyin ay dhigtaan martamaha magaalada Kismaayo. Arintani ayaa saameeyn weeyn ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Kismaayo taasoo ay walaac xogan ka mujiyeen waxgradka iyo dadka kale ee ku nool magaaladaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 2, 2008 Any pretence of order is gone. The thugs are showing their true colours. Mr Taano the Dutch passport holder is here to make quick money from the people. Shame, though they will go the way other roadblock owners went. Quote Share this post Link to post Share on other sites