General Duke Posted January 9, 2007 Tartan K/Cagta Oo Soo Dhaweynta Dowladda Federaalka Iyo Taageeridda Nabadda Oo Ka Furmay Muqdisho Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 09/01/07 Waxaa garoonka da`aada weyn ee Banaadir (Ex-Conis Stadium) ee magaalada Muqdisho laga furay Tartan 4 geesood ah oo loogu magac daray tartanka soo dhaweynta Dowladda Federaalka iyo taageeridda Nabadda oo uu soo qaban qabiyay xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed. Furitaanka tartankan oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin ka socotay dhinaca Dowaladda ,Gobolka Banaadir , Mas`uuliyiinta xiriirka K/Cagta iyo taageerayaal ayaa waxaa halkaasi ereyo furitaanka ku aadan ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Prof: Maxamed Cumar Dalxa iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee arimaha siyaasadda G/Banaadir Ugaas Cali waxayna tilmaameen sida ay ugu faraxsan yahiin sida ay X.S.K.C ay u soo qabanqaabiyeen tartan lagu maamuusayo soo dhaweynta Dowladda waxayna ugu danbayn muujiyeen sida loogu baahan yahay in si wada jir ah wadanka loogu shaqeeyo isla markaana Nabadda loo wada taageero. Dhinaca kale ciyaartii ugu horeysay ee tartanka ayaa isaga soo horyimid kooxaha ELMAN vs. SITT Daallo waxaana 2-0 looga guuleystay kooxda ELMAN ciyaarta xigta Arbaco: BANAADIR TELCOM vs. DEKEDAHA , Waxaana lagu wadaa Galabnimada Jimcaha inuu noqdo Finalka oo kooxdii soo baxda labadan kooxood ay la ciyaari doonta kooxda haatan Finalka taagan ee SITT Daallo. Saciid Ibraahim Xuseen Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 9, 2007 deputy speaker of parliment Dalxa kicking the ball about Dalxa meeting the teams Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 13, 2007 Kooxda K/Cagta SITT Daallo Oo Ku Guuleysatay Koobka Tartanka Soo Dhaweynta Dowladda Federaalka Iyo Taageeridda Nabadda Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 12/01/07 Waxaa garoonka Banaadir (Ex-Conis Stadium) ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Tartan 4 geesood ah oo loogu magac daray tartanka soo dhaweynta Dowladda Federaalka iyo taageeridda Nabadda oo uu soo qaban qabiyay xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed. Ciyaartii ugu danbaysay tartanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas`uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo uu horkacaayay Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali ( Cadde) , Safiirka Dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya Axmed Cabdalla, Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Muxiyadiin Xasan (Darbo weyne) G/Xigeenada X.S.K.C Saciid Mugaanbe,Salaad Gaab , Cali Saciid , Xoghayaha Guud C/qani Saciid Carab kuxigeenka Xoghayaha Xasan Fareey , Hanti dhooraha xiriirka C/raxmaan (Dhuunte) ,xubno ka tirsan xiriirka K/Cagta , marti sharaf iyo taageerayaal aad u badan . Ciyaartii kama danbaysta ahayd oo ay isaga horyimideen kooxaha SITT Daallo vs. DEKEDAHA ,Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-0 daqiiqadii 59 qeybtii danbe waxaa guul qurux badan kooxdiisa u saxiixay ciyaaryahanka Number-ka 9-aad u qaata SITT Daallo Cabdoow Aaba Cali waxaana Kaarka Cas la siiyey oo garoonka looga saaray ciyaarta labo ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda DEKEDAHA goolhaye Kamaal Cali (Kamaalii) iyo Saacid oo isna Number-ka 12-aad u qaata DEKEDAHA waxayna labada kooxood ay muujiyeen ciyaar aad xamaasadeedu u saraysay. Saciid Ibraahim Xuseen “BUUNA” saciid_buuna@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 13, 2007 Sport is a great tool to bring the people together. Its impact can be underestimated. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 13, 2007 I wish i played! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 14, 2007 ^^^Thats great. They should hold an inter Somali competition.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 14, 2007 It would be good to have an SOL match dont you think Duke? With a lenient referee,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 14, 2007 ^^^Thats a great Idea.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 14, 2007 ^^Can you play? Quote Share this post Link to post Share on other sites