Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Soccer match in support of peace TFG held.

Recommended Posts

Tartan K/Cagta Oo Soo Dhaweynta Dowladda Federaalka Iyo Taageeridda Nabadda Oo Ka Furmay Muqdisho

 

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 09/01/07

 

 

Waxaa garoonka da`aada weyn ee Banaadir (Ex-Conis Stadium) ee magaalada Muqdisho laga furay Tartan 4 geesood ah oo loogu magac daray tartanka soo dhaweynta Dowladda Federaalka iyo taageeridda Nabadda oo uu soo qaban qabiyay xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed.

 

Furitaanka tartankan oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin ka socotay dhinaca Dowaladda ,Gobolka Banaadir , Mas`uuliyiinta xiriirka K/Cagta iyo taageerayaal ayaa waxaa halkaasi ereyo furitaanka ku aadan ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Prof: Maxamed Cumar Dalxa iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee arimaha siyaasadda G/Banaadir Ugaas Cali waxayna tilmaameen sida ay ugu faraxsan yahiin sida ay X.S.K.C ay u soo qabanqaabiyeen tartan lagu maamuusayo soo dhaweynta Dowladda waxayna ugu danbayn muujiyeen sida loogu baahan yahay in si wada jir ah wadanka loogu shaqeeyo isla markaana Nabadda loo wada taageero.

 

Dhinaca kale ciyaartii ugu horeysay ee tartanka ayaa isaga soo horyimid kooxaha ELMAN vs. SITT Daallo waxaana 2-0 looga guuleystay kooxda ELMAN ciyaarta xigta Arbaco: BANAADIR TELCOM vs. DEKEDAHA , Waxaana lagu wadaa Galabnimada Jimcaha inuu noqdo Finalka oo kooxdii soo baxda labadan kooxood ay la ciyaari doonta kooxda haatan Finalka taagan ee SITT Daallo.

 

 

 

 

Saciid Ibraahim Xuseen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxda K/Cagta SITT Daallo Oo Ku Guuleysatay Koobka Tartanka Soo Dhaweynta Dowladda Federaalka Iyo Taageeridda Nabadda

 

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 12/01/07

 

Waxaa garoonka Banaadir (Ex-Conis Stadium) ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Tartan 4 geesood ah oo loogu magac daray tartanka soo dhaweynta Dowladda Federaalka iyo taageeridda Nabadda oo uu soo qaban qabiyay xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed.

 

Ciyaartii ugu danbaysay tartanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas`uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo uu horkacaayay Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali ( Cadde) , Safiirka Dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya Axmed Cabdalla, Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Muxiyadiin Xasan (Darbo weyne) G/Xigeenada X.S.K.C Saciid Mugaanbe,Salaad Gaab , Cali Saciid , Xoghayaha Guud C/qani Saciid Carab kuxigeenka Xoghayaha Xasan Fareey , Hanti dhooraha xiriirka C/raxmaan (Dhuunte) ,xubno ka tirsan xiriirka K/Cagta , marti sharaf iyo taageerayaal aad u badan .

 

Ciyaartii kama danbaysta ahayd oo ay isaga horyimideen kooxaha SITT Daallo vs. DEKEDAHA ,Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-0 daqiiqadii 59 qeybtii danbe waxaa guul qurux badan kooxdiisa u saxiixay ciyaaryahanka Number-ka 9-aad u qaata SITT Daallo Cabdoow Aaba Cali waxaana Kaarka Cas la siiyey oo garoonka looga saaray ciyaarta labo ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda DEKEDAHA goolhaye Kamaal Cali (Kamaalii) iyo Saacid oo isna Number-ka 12-aad u qaata DEKEDAHA waxayna labada kooxood ay muujiyeen ciyaar aad xamaasadeedu u saraysay.

 

 

 

 

Saciid Ibraahim Xuseen

 

“BUUNA”

 

saciid_buuna@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this