Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xero uu ku sugnaa wasiirka amniga…

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabab-Shabaab.jpeg?fit=960%2C585&ssl=1

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar xoogan oo ay maanta xubnaha Al-Shabaab ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo uu ku sugan wasiirka amniga Jubbaland.

Weerarka oo loo adeegsaday ayaa lagu beegsaday gudaha xerada ciidanka daraawiishta maamulkaas oo uu shalay tegay wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Saraakiisha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay haatan degan tahay xaaladda degmadaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana kadib howlgallo kooban sameeyay ciidamada Jubbaland ee jooga aagga Ceelwaaq.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka lagu qaaday xeradaas oo lagu diyaarinayo ciidamo ka mid noqonaya Jubbaland.

Ceelwaaq ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay laga dareemayay xaalad cabsi ah, kadib markii ay Shabaab ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan qabsashada degmadaas.

“War Khawaarijtaas meesha taag taagan oo leh hadda marka ay ciidamada Kenya baxaan Ceelwaaq ayaan qabsaneynaa ku hayo war miyaan u ogolnay inay qabsadaan?” ayuu yiri wasiirka amniga maamul goboleedka Jubbaland mar uu ka hadlayay qorshaha Al-Shabaab.

Gedo iyo Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay sida weyn ugu xoogan tahay kooxda, waxayna badanaa ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada huwanta ah.

Dhowaan ayaa la filayaa in gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xero uu ku sugnaa wasiirka amniga… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this