Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Latest news on the weaponsmugglers

Recommended Posts

Waaheen

 

 

Monday, September 13th, 2010 | Posted by Maxamud

Taliyayaasha Ciidamadda Qaranka oo shaaca ka qaaday Ciidamadda soo galay Buuralayda Galbeedka Somaliland inay yihiin ONLF (Sawiro)

Muuqaalka Labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre

Hargeysa(Waaheen) Labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday Ciidamo hubaysan oo soo galay Buuralayda Galbeed ee Somaliland ee Gobolka Salal ee la garan la’aa inay yihiin Ciidamo loo soo tababaray Jabhada ONLF ee la Dagaalanta Dawladda Itoobiya

 

Labada Taliye Ciidan shirkoodaasi Jaraa’id waxay ku soo Bandhigeen Qalab

 

 

Qalab Milatari oo ka Koobnaa Sunta loo adeegsado Qaraxyada, Rasaasta Baasuukayaasha iyo Qori AK47 ah

Milatari oo ka Koobnaa Sunta loo adeegsado Qaraxyada, Rasaasta Baasuukayaasha iyo Qori AK47 ah, Buugaagtii ay Tababarka ku qaadanayeen oo ku qoran farta Amxaariga iyo lacagta Dalka Eratariya kuwaasoo ay sheegeen inay ka markhaati kacayaan inay Ciidankaasi yihiin niman dalkaasi u soo tababaray Jabhada ONLF oo doonayay inay u taalaabaan dhinaca Itoobiya

 

Muuqalka Hub Kala Duwan oo Jira Joonyado

Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre waxa ay shirkoodaas Jaraa’id ku sheegeen inay Amar ku haystaan Hawl-gal qaadanaya muddo laba Maalmood ah oo ay ku soo qab-qaban doonaan nimankaasi oo ay sheegeen mid iyo laba kamid ah inay durtaba qabteen, kuwa kalena ay ku hareeraysan yihiin

 

Sidoo kale waxa ay sheegeen gabi ahaanba inay qab-qabteen gaadiidkii iyo Dirawaliintii Ciidamadaasi hawsha u fududeeyay ee u Xeebta uga soo qaaday alaabta isla markaana u gaadhsiiyay Buuralayda, waxaanay sheegeen inay ku daba jiraan dad kale oo la shaqeeyay

 

Labada Taliye Ciidan oo ka waramayay sida ay u ogaan waayeen nimankaasi iyo waxyaabaha u sahlay Ciidankaasi inay ka soo degaan Xeebtaasi,una gudbaan Buuralayda ayaa sheegay meeshu inay tahay Xeeb balaadhan oo aanay awood u lahayn inay gabi ahaanteedba Ciidamo dhigaan , sidaasi darteed ay kooxdan u sahashay inay ka faa’iideystaan fursadaasi iyagoo gacan ka helay dadka deegaanka qaarkood, inkastoo dadweynaha deegaankaasi qaarkood soo sheegeen nimankaasi markii ay ku arkeen Buuralayda

Share this post


Link to post
Share on other sites

ku dhaqan degaankaasi ay ku arkeen qalab Millatari iyo qasharrada rasaasta loo isticmaalo qoriga Baasukaha loo yaqaanno oo ay kooxahani kaga tageen iyo raad cad oo muujinaya xaddiga iyo qalabka ay wateen. Gudoomiyaha Gobolka Selel Maxamed Muuse Bucul (Buuni) oo Wargeyska HargeisaStar khatka taleefanka wax kaga waydiiyey jiritaanka wararka sheegaya in Ciidammo Jabuuti ku lid ah la keenay deegaanka iyo dhaqdhaqaaqa Itoobiyaanka iyo Somaliland, ayaa sheegay in Ciidammadda Qaranka, Xeebaha iyo Booliska Somaliland ee

 

source tvsomalilandeurope

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this