Deeq A. Posted February 29, 2024 Turkigu maxuu ku la heshiiyay maamulka Xasan Sheekh? Saxaafadda Turkigu wax ay faafisay in maamulka Xamar dawladaha dunida ka waayay wax heshiis ah oo badda ku saabsan, gaar ahaan Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, Gadar iyo Maraykanka, intii aanay Turkiga isu dhiibin. Wax ay kale oo sheegtay heshiiska Turkigu in aanu weli dhammays tirnayn ee shaqo badani u hadhay, ka dibna baarlamaanka la geyn doono. Waxaa kale oo qodobbada hordhaca heshiiska ku cad in aanu jirin wax difaac millateri ah, keliya uu yahay heshiis ku eg khayraadka badda. Saxaafadda Turkigu wax ay kale oo sheegtay in la ga yaabo Turkigu in uu dhexdhexaadiyo Itoobbiya iyo Soomaaliya si dalkaasi u helo saldhig badeed. Kuwan soo socda ayaa la gu sheegay qodobbada heshiiska: 1. Maalgashiga khayraadka badda. 2. In haddii loo baahdo la qorshayn karo hawlgallo wadajir ah badda iyo hawadaba, kuwaas oo la gu difaacayo khayraadka. 3. In la dhiso lana hawlgeliyo maraakiib, dekado iyo kaabayaal kale. 4. In hawlaha badmaaxidda la is ka kaashado. 5. In la ga wada hortago waxyaalaha halista ku ah arrimaha badda sida budhcad badeedda, tahriibta iyo kalluumaysiga sharci darrada ah. 6. In Turkigu badda Soomaalida ka dhisan karo waxa uu doono, kana samaysan karo goobo dhawrsan. 7. In Turkigu ciidanka soomaalida siiyo waxbarasho, diin barid iyo tababar. 8. In Soomaaliya la ga caawiyo dhisashada adeegyada ilaalinta xeebaha. 9. In Soomaaliya loo cusbooneeyo ciidan badeed iyo aqoonta ilaalinta nadaafadda badda. Meelnaba heshiiska ka ga ma jirto in Turkigu ciidan ahaan badda Soomaaliya ilaalinayo, ama galay heshiis dagaal, bal in Itoobbiya la ga hadlo is kaba daaye. Aljazeera Qaran News Share this post Link to post Share on other sites