Liibaan Posted July 29, 2007 “Waxaanu u Aragnay [Xadhiga Qaran]arrin aad u Fool xun,Oo ku xun Qaranimada, Sharciyada ,Siyaasada,oo u Adeegaysa Nidaam aynaan Doonayn”Siilaanyo. (Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo]) hadhwanaag 2007-07-28 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE ayaa canbaareeyey talaabada ay Xukuumada Madaxweyne Rayaale xabsiga ugu taxaabtay maanta hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran,isla markaana ku tilmaamay mid cawaaqib xun oo qiyamkii dalku taagnaa ka baydhay. Sida waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.kadib markii ay Hogaanka iyo Masuuliyiinta Xisbigu ay shir-yeesheen. Waxa kale oo shirkiisa jaraa’id ku cadeeyey inay xisbigu isaga imanayaan waxa kale ee ay ka yeelanayaan oo ay shir-balaadhan ka yeelandoonaan. Waxaanu sheegay inay sharcigu siinayo in la furo Ururo. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ayaa waxa uu sheegay inay maanta shir degdega ay isugu yimaadaan hogaanka Xisbiga KULMIYE, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. “Shirkan waxaaanu kaga tashanaynay oo aanu wax iska weydiinaynay dhacdadii ugu danbaysay ee maanta dhacday ee ahayd in hogaankii ka tirsanaa Urur Qaran khaasatan Gudoomiyahoodii Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid xabsiga loo taxaabay” “Arrintaa waxaanu u aragnay arrin aad u fool xun, qaranimada ku xun, sharciyada ku xun, Siyaasada ku xun oo ah mid u adeegaysa nidaam aynaan doonayn inaynu marno jidka uu qeexayo, oo ah jidka cabudhinta, cago juglaynta iyo duminta geedi-socodkii dimuqraadiyada” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE. “hore ayeynu u soo joognay dad badan oo shiciba iyo saxaafada Madaxa banaan iyada oo wax alla wax ay geysatay aanay jirin ayaa sharci-daro loogu taxaabay Xabsiga, dhalin-yaro ay ku jirto, dumar cisbitaalada lagala baxay, caruur iskuulada ku jirta oo nooc walba leh ayaa lagu tuntay xoriyadoodi” ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo. Md.Axmed Siilaanyo ayaa ku tilmaamay talaabadan ay Xukuumada Madaxweyne Rayaale Xabsiga ugu taxaabtay Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran inay tahay mid cawaaqib xumo ah oo ka horimanaya ka hor-imanaya qiyamkii dalkani. “Arrintaasi waxay noola muuqatay oo aanu aad iyo aad u dhalaacaynaynaa inay tahay mid ina tusaysa inay dalka Maanta maamulkiisa jira jid aad u cawaaqib xun oo ah mid lagu tilmaami karo wax alla wixii qiyamku dalku u taaganaa oodhan ka baydhaysa” Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Siilaanyo ayaa canbaareeyey talaabada ay Xukuumadu ku xidhay Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran, isla markaana ku baaqay in dadkaasi si degdega xoriyadoodi iyo Madax-banaanidoodi dib loogu soo celiyo. “Ilaa inta aanu ka war-qabnay waxay dadkaasi [Hogaanka Qaran] waxay ku dhawaaqayeen xoriyatul qawlkooda wax sharcigu u siiyey, in Urur loo furo iyo inaan loo furin waxay u taala hay’ada sharciyada in badan ayaanu nidhi, inkasta oo aanu u aragno inay xaq u leeyihiin, wax xoriyatul qawl dhaafsiisan oo ay sameeyeen ama ku dhaqaaqeen maanaan arag” ayuu yidhi Siilanyo. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ayaa waxa uu sheegay inay hawshaa lagu xidh-xidhay hogaanka Ururka inay dib wax isaga weydiinayaan oo ay wada-tashi balaadhan ay ka gelayaa waxay noola tahay ee jid Sharciya ee dastuurku ogol yahay ee nooga banaana wax ayaanu iska weydiinaynaa wixii aanu ka yeeli lahayn. Waxa isna shirka jaraa’id ka hadlay oo kale Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo waxa uu ku tilmaamay talaabada ay Xukuumadu xabisga ugu taxaabtay inay ka xun yihiin “Marna kumaan seexan oo kumaan soo toosin waxyaabihii uu ka dagaalamayey [Dr. Gaboose] inay sodon sanadood dabadeed ay soo noqdaan isaga jeelkii loogu taxaabayaa” Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe –Janaale] Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa E-mail, janaale94@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 29, 2007 Good job Kulmiye ,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites