Deeq A. Posted February 29, 2024 Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay rajo ka qabto in xabad-joojin laga dhaqan geliyo Marinka Gaza, kahor intaan la gaadhin bisha barakeysan ee Ramadaanka. Qatar waxay “rajo ka qabtaa” xabbad joojinta dagaalka Gaza, waxayna xooga saareysaa in heshiis la dhex dhigo Xamaas iyo Israel, kahor bisha Ramadaan, ayuu yidhi Majed al-Ansari oo ah afhayeenkeeda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar. Qatar, oo martigelisa xafiiska siyaasadda Xamaas, ayaa dhexdhexaadiye muhiim ah ka ahayd wada-xaajoodyada u dhaxeeya Falastiiniyiinta, Israel, Maraykanka iyo Masar. “Waxaan weli ku rajo weynahay, maahan taasi micnaheeda inaan ku dhawaaqi karno in heshiis la gaaray maanta ama berri, laakiin waxaan ku rajo weynahay inaan gaadhi karno heshiis xabad joojin ah,” ayuu yidhi Majed al-Ansari. Hase-yeeshee waxay weli dood ka taagan yihiin qodobada ay isku hayaan Xamaas iyo Israel, sida illaa inta ay socon doonto xabad joojinta iyo tiradda maxaabiista ay labada dhinac isdhaafsan doonaan. Xamaas ayaa diidan xabad-joojin kooban, balse gorgortankeedu yahay in gebi ahaan dagaalka la joojiyo, Israel kala baxdo ciidamadeeda gudaha Gaza, dhankoodana ay sii daayaan maxaabiista ay hayaan. Source Share this post Link to post Share on other sites