Sign in to follow this  
Deeq A.

Geelle iyo Xasan Sheekh oo kulan ku yeeshay magaalada Nairoobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulankooda uga wada-hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arrimaha amniga iyo ilaalinta xasiloonida gobolka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeyb galka shirka meertada 6-aad ee Qaramada Midoobey ee isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada dalalka Caalamka kasoo waajahday dhanka Cimilada.

Waxaa sidoo kale la filayaa madaxweyne Xasan Sheekh inuu kulamo gaar gaar ah uu la qaato mudada uu ku sugan yahay Nairobi ee dalka Kenya qaar ka mid ah madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkaan lagaga arrinsanaayo isbadalka Cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this