Sign in to follow this  
Deeq A.

Bulshadii Ku Ganacsan Jirtay hadhaadigii Line-ka Booliska oo Markale Warbaahinta la hadlay iyaga oo Ilmadu ka Qubaneyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Bulshadii ku Ganacsan Jirtay hadhaadigii Line-ka Booliska oo Markale Warbaahinta la hadlay iyaga oo Ilmadu ka Qubaneyso
IMG-20240228-WA0011-1.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Ganacsatadii nolol maalmeedka kala soo bixi jirtay hadhaadigii suuqa xaafada Line-ka booliska ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in loo awood sheegtay, isla markaana aan waxba la iska weydiin ganacsigoodii ay dirqiga ku yabyabteen.

Ganacsatadan oo quus iyo murugo ka muujiyay shaqo la’aanta soowajahday ee dibadyaalka ku yihiin ayaa si dareen taabasho leh uga hadlay xaalada nololeed ee ay hada ku nool yihiin.

Sidoo kale ganacsatada lagaga raray suuqa Line-ka booliska ayaa sheegay in warbaahinta dalka ka hawlagasha ay cidgaara u afduuban yihiin, isla markaana aanay u madax bannaaneyn awoodna u lahayn in muwaadiniinta cilan warkooda siidaayaan.
Ganacsade dayar oo araga naafo ka ah ayaa isna warbaahinta uga waramay qisada aanu iloobi karin ee uu kala kulmay goobtii uu ka shaqaysanayay kadib markii sida uu xusay awood lagula wareegay.
Waxaaney yidhaahdeen. “Waxa la yidhi qof walowba kaadhkaaga soo qaado subaxa soo kalah, salaadii subax markii laga soo dareeray ayaanu nimid, iyada oo qofkasta meheradiisi horjoogo waxa nasoo galay dad aanu ku qiyaasnay 150 Nijaar, waxa kale oo soo galay 15 Dheyne, waxa na soo galay shaqaalihii wasaaradda hawlaha guud oo dhammeystiran, wasiirkoodiina meelaha na dulmarmarayo.

Waxa kale oo yimid dowladda hoose qaybtii qaabilsaneyd hantida maguurtida, ee meesha nadajisay, oo uu hoggaaminayo guddoomiyihoodi, halkaasi waxa ka dhacday in aan qofna waxba la weydiin ee nijaarkii uu ku bilaabey Jiingadii, dadkii markay hadlaan ee waa sidee layidhaahdana askarigu dhirbaaxo bab kaga siiyo”
“Anaga oo bulsho dhan ah ayuu shaqsi nagu dul iibsaday, uu nagu ciyaaray awoodiisi iyo lacagtiisi oo maanta hantidaydii taa tahay, isagu immisa fooq, jago, baarkin, ayuu ku leeyahay meesha, aniguna waxaan kulahaa 2 mitir”Ayey tidhi hooyo Juweeriya.

Ganacsade dayar oo araga naafo ka ah ayaa isna warbaahinta uga waramay qisada aanu iloobi karin ee uu kala kulmay goobtii uu ka shaqaysanayay kadib markii sida uu xusay awood lagula wareegay.
Waxaanu yidhi.“Goor maqrib ah ayaa la ila soo hadlay oo la igu yidhi ‘meeshii aad ku ganacsaneyseen ciidan ayaa la wareegay,’ ciidankii markii aanu weydiinayna waxay nagu yidhaahdeen waala iibsaday, beri subaxa ka hor war kama furna, shaqadayaduna daawar ayay ahayd, imika guriga ayay ii dhexyaalaan oo aan kiro kaga bixiyaa”
Hooyo ka mid ah ganacsatadii danyarta ahayd ee qowtal daruuriga kala soo baxaysay suuqa Line-ka booliska ayaa warbaahinta marisay hadal bulshada dareen badan ka dhex abuuray.

Waxaaney tidhi.“Dabah-shiil waanu wada deganayn, guri weyn oo ganacsi oo baarkin leh, oo hudheel leh, oo fooq leh ayuu haystay, ana 2 mitir ayaan ka deganaa meesha, labadeydii mitir ee la yidhi masaakiinta baro baxday ayaad tahe waxmood ayaa muuqday, isagana wixiisi oo dhami way muuqan waayeen”
Sidoo kale ganacsatada lagaga raray suuqa Line-ka booliska ayaa sheegay in warbaahinta dalka ka hawlagasha ay cidgaara u afduuban yihiin, isla markaana aanay u madax bannaaneyn awoodna u lahayn in muwaadiniinta cilan warkooda siidaayaan.
Waxaaney yidhaahdeen.“Warbaahinta ayaanu la hadalay, boolis ayaa nala daba dhigey, ilaa dalcada Sinimooga waanala eryanayay.
Muuqaal ayuu wariye naga duubay maqribkiina wuu ka saaray, qaybihii kale ee warbaahintii wax naga duubayna 5-tii galabnimo ayay nagu wargeliyeen in aanay muuqaaladii ay naga duubeen sii dayn karin, waxa halkaasi nooga soo baxday in awood cabudhineed ay jirto, cadeynteediina waanu haynaa”
Mid ka mid ah ganacsatada suuqa Line-ka booliska ayaa mudaneyaasha golaha wakiillada ku wargeliyay in mushaharka ay qaadanayaan ee cashuurtooda laga siiya uu xaaraan ku noqonayo, mar haddii kelmed aanay u odhan kareyn, isla markaana aanay difaaci karin, waxaanu intaas ku daray in kaliya waxa ay awoodaan uu hadal yahay, balse warbaahintii ay marin lahaayeen la cabudhiyay.
Waxaanu yidhi.“Hantiyadii waala burburiyay, waanala raray, awoodba naloo adeegsaday, hadana xoriyadii hadalka ayaa nalaga qaaday, waxa aanu ogaanay in bulshaduba rahman tahay, oo qof loo joojinaya aanu jirin, oo qof hadli karaa aanu jirin.
Haddii xukuumaddii dalka iyo dadkaba masuulka ka ahayd ay sidaas garatay, xildhibaanada namatala ee golaha aanu fadhiisinay ee cashuurta nalaga qaado mushaharka ugu qaata 4-ta kun ee dollar, haddii aydaan xakameyn kareyn xukuumadda, danta guud xaraasheysa, haddii aydaan xakameyn kareyn ganacsadaha malaayiinka haysta ee dadkii danyarta ahaa u awood iyo lacag sheeganaya, haddii aydaan noo hadli kareyn, oo kelmed noo odhan kareyn, oo noo doodii kareyn, waxaad naga qaadataan ee cashuurtayada ahi xaaraan ayuu noqonayaa”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this