Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Delegation of Ministry of Health from Djibouti Republic arrive in Puntland

Recommended Posts

Xarunta Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland ayaa waxaa soo booqdey wafti ka socdey wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyada Jabuuti

 

News20428195101273706.jpg

 

Waftiga ka socdey wasaaradda caafimaadka Jabuuti oo ahaa 4 dhakhtar ayaa waxaa hogaaminayay madaxa daawada ee wasaaradda caafimaadka Jabuuti Dr. C/laahi Yuusuf Nuur waxaana si diiran ugu soo dhaweeyey xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame.

 

Xubnahan ka socdey Wasaaradda caafimaadka Jabuuti ayaa ujeedka ay Puntland u yimaadeen waxa uu ahaa sidii ay u arki lahaayeen xaalada caafimaad ee dalka isla markaasna ay labada dawladood ee Jabuuti iyo Puntland wasaaraddahooda caafimaadku ay Iskaashi u yeelan lahaayeen.

 

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa waftigan Jabuuti ee tooska uga socdey wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa uu uga warbixiyey wasaaradda iyo waxqabadkeeda, baahiyaha ka jira dalka ee caafimaad iyo sida ah u haboon tahay inay labada wasaaraddood ee caafimaad ee Puntland iyo Jabuuti ay u yeelan lahaayeen xiriir wada shaqeyneed iyo iskaashi.

 

Dr.C/laahi Yuusuf Nuur oo waftiga dhakhaatiirta reer Jabuuti ah hogaaminayay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame waxaana uu masuulkani sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay yimaadaan Puntland iyaga oo ah dhakhaatiir reer Jabuuti ah kana socda wasaaradda caafimaadka Puntland, dhakhtarku waxaa uu intaas ku darey in la joogo waqtigii dhanka caafimaadka la iskala shaqeyn lahaa waxaana uu sheegay in waftigoodu uu yahay kii u horeeyey ee caafimaad ee yimaada Puntland isagoo carabka ku adkeeyey in safarkoodu uusan noqon doonin mid maanta oo kaliya ku eg balse u noqon doono mid socda isla markaasna ay labada wasaaradood ee labada dal ay noqdaan kuwa mataano ah oo iska caawiya baahiya la soo gudboonaada.

 

Kulankan ka dhacay xarunta wasaaradda caafimaadka kadib ayaa waftigan waxaa uu wasiirka caafimaadku geeyey Isbitaalka Garowe oo shaqo balaarani ay imika ka socoto kadib markii Isbitaalka dib loo furey todobaadkii hore, waxaana halkaas waftigu ay ku soo arkeen xaalada Isbitaalka waxaana loo sheegay in Isbitaalka la dayactirey dhawaana la furey, iyadoo warbixin guud ay ka qaateen agaasimaha Isbitaalka Maxamed Jaamac.

 

Waftigan ka socdey Wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ahaa kuwii ugu horeeyey ee caafimaad ee Puntland yimaada ayaa isla maantey ka dhoofey garoonka cusub ee Garowe iyaga oo la maqsuudsan sida diiran ee loosoo dhaweeyey iyadoo ay dalka shaley soo gaareen.

 

Wasaaradda Caafimaadka

Xarunta dhexe ee Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

was just called the other night by the delegation chief back from his Sland trip, before I learnt he precipitately jumped into the plane that morning after a request by Pland...

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Honestly, it is not what you think (though that is funny too icon_razz.gif ). I am actually laughing at the casual way Abu Salman tells us of his phone calls (he was called by the way, remember). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka Socda Wasaarada Caafimaadka Dawlada Jabuuti ayaa kulan la

qaatay Madexda Wasaarada Caafimadka Puntland, Waxaana aad loogu

dheeraaday Iskaashiga Dhinaca Caafimaadka ah ee Labadan Dawladood.

 

Wafdigan oo ka koobaan Dhaqaatiir Afar ah oo ka socday Wasaarada

caafimaadka Wadanka Jabuuti ayaa Waxay Wasaarada Caafimaadka Puntland Waxay ku soo bandhigeen Qodobo la Xiriira Iskaashiga Dhinaca

caafimaadka ee labada Dhinac , Waxayna Sheegeen in ay puntland u soo

aadeen Sidii ay Xog uga heli lahaayeen Habka caafimaad ee Puntland.

 

Wasiirka Cafimadka Puntland Dr, Cali C/laahi Warsame oo Hogaaminayay

Xubnaha Puntland ee Wafadigan Kulanka la qaatay ayaa dhankiisa uga

Warbixiyay Waxqabadka Wasarada isagoo Sidoo kalana u soo bandhigay

Qorshaha caafimaad ee Wasaaradu ay ka dhiyaariysay Deegaanada Puntland iyo Waxyaabaha ka dhiman Qordhahooda.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in ay jiraan baahiyo Farabadan oo dhinaca

caafimaadka ah, islamarkaana Wasaradu ay ku hanwayntahay qaabkii ay

ugu guulaysan lahayd in Dhamaan Deegaanada Puntland si isku mid ah

looga Hormariyo Dhinaca Caafimaadka, lakin Dawlada Jabuuti ay uga

Baahan yihiin Iskaashi Arrimahan ku saabsan.

 

Dhinaca kale Dr, C/laahi Yuusuf Nuur oo Hogaaminayay Wafdiga Dawlada

Jabuuti ee Dhaqaatiirta isugu jirayay ayaa mahadcelin kadib, wuxuuna

Carabaabay Dawlada Jabuuti in ay danaynayso hab iskaashi oo ay la

yeelato Dawlada Puntland, wuxuuna sheegay in ay gacan ka gaysan

Doonaan Horumarka Dawlada Puntland ay oo Doonayso in ay ka samayso

Caafimaadka Deegaanada puntland.

 

Dr C/laahi wuxuu shegay in ay Doonayaan in la mataaneeyo Wasaaradaha

caafimaadka ee Jabuuti iyo Puntland si loo heloi dhaqdhaqaaq Horumar

leh oo dhinaca caafimaadka ah.

 

Wafdigan ayaa intaasi ka dib Waxay kormereen Goobaha caafimaadka ee

Magaalada Garowe, waxayna Balan qadeen in ay gacan ka gaysanayaan

Waxka qabashada iyo horumarinta Arrimaha caafimaadka ee Puntland.

 

Waa markii ugu Horaysay ee Deegaanada Puntland ay soo gaaraan Wafdi ka socda Wasaarada caafimaadka ee Wadanka Jabuuti, kuwaas oo Danaynaya Iskaashi balaaran oo ay la yeeshaan Dawlada puntland si Horumar looga gaaro Arrimaha caafimaadka.

 

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this