Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhakhtar ku sugan Qasa oo fariin dareen leh ka soo diray cisbitaal Al-Shifa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda cisbitaalada Qasa ayey si weyn ugu dayrinayaan haya’addaha Qaramada Midoobay halkaas oo muddo afar bilood ah uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Dr Mohammed Al Sheikh wuxuu fariintan dareen leh ka soo diray cisbitaalka Al-Shifa, oo ah cisbitaal weyn oo ku yaala waqooyiga Qasa, kaas oo ahaa bartilmaameedka weerarka dhulka ee Israa’iil.

Wuxuu sheegay in uu seexdo cisbitaalka isla markaana u shaqeeyo habeen iyo maalinba toddobaadka oo dhan, mararna wuxuu sheegay inay helaan nasiino yar oo saacado ah.

“Gurigayga ma tago,Qoskaygana uma tagi karo, waayo waxay joogaan waqooyiga Qasa iyagoo ku jira hoyga dugsiyadda.”ayuu yidhi Dr. Maxamed.

Dhanka Raashinka, wuxuu sheegay in la heli karodhowr shay, gaar ahaan daqiiq iyo Bariis la’aan, waxaana gabaabsi ka jira Cunnada daruuriga ah. Waxaan bixinaa wax kasta oo aan awoodno. Waxaa nasoo gaadhay dhaawacyo u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this