Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo guddoomiyay shirka Golaha Amniga iyo 3 arrin weyn oo looga hadlay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
420193083_833842485453559_12304920195705

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay guddoomiyay shirka golaha amniga qaranka, kaas oo ay goobjoog ahaayeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha amniga dalka.

Intiisa badan waxaa shirka looga hadlay saddex arrimo oo waa wayn, kuwaas oo kala ah dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga  marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin guud ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha ka qaybgalay shirka oo faahfaahiyay xaaladda guud iyo dagaalka Shabaab.

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa sidoo kale  ku adkeeyay hay’adaha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ay soo iibsaneyso Soomaaliya maadaama mar dhow laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee horay u saarnayd.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

Shirka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi, isla markaana ay weli socdaan howlgallo culus oo dalka laga xoreynayo kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo ka mid ah dalka.

Waxaa sidoo kale taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee ay dhowaan wada gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda dhexe.

417476610_833842188786922_45197012461368 417513449_833842365453571_17201875590961 417687889_833842362120238_50959925845243 420193083_833842485453559_12304920195705

 

The post Xasan oo guddoomiyay shirka Golaha Amniga iyo 3 arrin weyn oo looga hadlay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this