Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqayo gelinka danbe ee Maanta

Recommended Posts

Deeq A.   
800px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_

Golaha Wasiirada cusub ee Puntland ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo gelinka danbe ee maanta oo Arbaco ah.

Mudda 30 cisho ah oo Baarlamanka Puntland ugu daray Madaxweyne Deni in uu ku soo dhiso Xukuumadda cusub ayaa ku eg maanta oo ku beegan 28 February 2024.

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Xukuumadda cusub uu ka ballaaran yahay kii hore islamarkaana lagu soo kordhiyay wasaarado cusub kadib markii la kala qaaday Wasaaradaha qaarkood.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan shakhdiyaad hore uga tirsanaa Xukuumaddii mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Deni oo mar kale ku jira Golaha Wasiirada cusub.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqayo gelinka danbe ee Maanta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this