Deeq A. Posted February 27, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriira dadar-gelinta dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo ka duulaya qorshaha dowladda ee ku aadan ciribtirka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta la shiray saraakiisha u sarreeysay taliska ciidamada ATMIS, isaga oo kala hadlay dagaalka. Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa si gaar ah ATMIS ugala hadlay inay ka qayb-qaataan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta, si looga adkaayo Al-Shabaab. Sidoo kale labada ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta dhexdooda, si ay isaga kaashadaan amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka. “Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin iyo Saraakiisha ATMIS ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si qeyb uga qaataan Howlgalka dagaalka ka dhanka ah Argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. ATMIS ayaanan ka qayb-qaadan wajigii koowaad ee howlgallada xoreynta ee ka socda dalka, kuwaas oo Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano dhaca HirShabelle iyo Galmudug, kadib guluf ay si wadajir u qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka. Si kastaba, wajiga labaad ayaa qorshuhuu inuu dhowaan billowdo, kaas oo ka qayb-galayaan ciidamo horleh, wuxuuna kusii jeedaa Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. The post Sawirro: DF oo ku qancisay ATMIS arrin ay muddo diidaneyd appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites