Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Machadka Dimuqraadiyada iyo Xisbiyada badan (NIMD) ee NETHERLAND oo kulan la yeeshay shirgudoonka Golaha Wakiillada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Machadka Dimuqraadiyada iyo Xisbiyada badan (NIMD) ee NETHERLAND oo kulan la yeeshay shirgudoonka G. Wakiillada Somaliland
IMG-20240227-WA0010.jpg
HARGEYSA(Qaran news) Waxa saaka booqasho Sharaf ugu yimi Shirguddoonka Golaha Wakiillada Agaasimaha machadka Netherlands Institute for Multiparty Democracy (NIMD), Thijs Berman, oo ay weheliyaan xidhiidhiyaha mashaariicda Kristina Miletec, Wakiilka Hay’adda ee Somaliland, Cabdijaliil Afqarshe, Madaxa Barnaamijyada Dr. Cabdiraxmaan Gaas, iyo khabiirka wadahadallada iyo xallinta khliaafaadka Shaun MacKay.

Ka hor inta aanu Guddoomiyaha Golaha, Mudane Prof Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, ku soo biirin, waxa qaabilay wafdiga Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad, Mudane Siciid Mire Faarax ‘Giirre’, iyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad, Mudane Cali Xaamud Jibriil, oo uu weheliyo La-Taliyaha Hay’adaha iyo Barnaamijyada Horumarinta, Xasan Maxamed Jaamac ‘Xiis’

Waxa Agaasime Berman ku bogaadiyey Golaha iyo dalkaba hannaanka dimuqraadiyadeed ee qaangaadhay oo noqday mid tusaale loou soo qaato gobolkaba, Waxa uu u rajeeyey dalka iyo dadkiisaba horumar iyo caddaalad ku timaadda tubta doorashada tooska ah ee ku dhowaad 30 sannadood dalku isku maamulayey.

Dhinaciisa Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ayaa si diirran ugu soo dhoweeyey wafdiga Golaha Wakiillada; kuna boorriyey in barnaamijyada NIMD ku tiirsanaadaan xaqaa’iqa iyo baahiyaha dhabta ah ee dalka.

Waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenku ku bogaadiyey NIMD tababarrada ay u bilaabeen ururrada siyaasiga ah iyo xisbiyada, waxaana uu u rajeeyey hay’adda in tacabkeedu noqdo mid si dhab ah u midha dhala.
Waxa labada dhinac, kog wareysi kadib, isla eegeen barnaamij iskaashi oo labada dhinac u bilaabmi doona dhowaan lana xidhiidha tababarrada kobcinta dimuqraadiyadda.

Waxa labada dhinac isla garteen in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan aqoon-korodhsiga geeddi-socodka dimuqraadiyadda, korjoogtaynta, metelaadda doorashada iyo dhiirrigelinta ka-qayb-qaadashada siyaasadda gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.

Ugu dambayn, waxa kulanka soo afmeeray Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Md Prof. Yaasiin Maxamuud xiir (Faratoon) oo cabbiray sida ay muhim u tahay in la horumariyo, lana dhiirrigeliyo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo kaalin kasta oo lagu kobcin karo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this